Siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan iyo maamullada xulafada la ah

Shir siyaasadeedka Mucaraadka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay ayaa laga soo saaray war-murtiyeed weerar toos ah loogu qaaday xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo si kulul loogu eedeeyay sida hadalka loo dhigay kaligii-talisnimo, musuqmaasuq, heshiisyo sir ah iyo awood urursi sharci-darro ah.

13 siyaasi oo miisaan sare leh oo ay ka mid yihiin Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarayaal, Xildhibaano iyo xubno kale ayaa si wadajir ah u saxiixay warmurtiyeed culus oo lagu canbaareeyay wax lagu tilmaamay Muddo kororsi sharci-darro ah, Heshiisyo qarsoodi ah oo lagu bixiyay hantida qaranka, Caburin lagu hayo saxaafadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, Dhul boob iyo ku takri-fal awoodeed.

“Madashu waxay si adag u canbaaraynaysaa ku takrifalka awoodda dowladda, musuqa iyo eexda baahday, xaraashka dhulkii dowladda ee danta guud, heshiisyada qarsoodiga ah ee ku aaddan khayraadka dabiiciga ah ee batroolka, macdanta iyo kalluunka, u sinnaan la’aanta fursadaha shago, kunturaadaha, mashruucyada horumarineed ee dalka iyo adeeg la’aanta bulshada” ayaa lagu yiri warka Madasha.

Qodobada kor lagu soo xusay ayaa lagu sheegay inay sabab u noqdeen sida hadalka loo dhigay “in dhaqaalihii dalka u galo gacanta inyar oo xulafo la ah Madaxweynaha, Qiime jab ku dhacay beeca dhulka, kaasoo khasaare baaxad leh u geystay dad badan oo dhulka maalgashaday, Dhaqdhaqaaqi ganacsi oo istaagay, taasoo keentay in hanti badan oo balaayiin doolar ah dalka lagala baxo, dibaddiisana lagu maalgashado iyo Rajo beel dhallinyaradii kaga dhacay dowladnimada, kuna qasbay in ay dalka ka cararaan oo hijro iyo gax hor leh galaan” ayaa lagu yiri warka.

Warmurtiyeedku wuxuu sidoo kale si toos ah uga digay “isku day lagu burburinayo nidaamka federaalka ah” iyo faragelin siyaasadeed oo lagu micneeyay halis qaran, waxaana qodobada sida gaar ah loo farmuuqay ka mid ah in Madaxtooyadu joojiso awood urursiga iyo tallaabooyinka lagu baabi’inayo sida hadalka loo dhigay nidaamka dimuqraadiga ah, in loo baahan yahay isbeddel degdeg ah iyo in dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo dastuuri ah, halka maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle lagu eedeeyey in doorashadooda dib loo dhigay ay walaac weyn ka qabaan iyo ku biiristooda xisbiga madaxweynaha.

“Shirku wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa muddo dhaafka xileed ee dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, taasoo khilaafsan dastuurka dalka iyo midka dowlad Gobolleedyada. Muddo kordhinta
sharci darrada ah, ku biirista Xisbiga Madaxweynaha iyo burburinta Madashii Wadatashiga Qaran waxay tilmaam cad ka bixinayaan damaca kalitalis ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo gorshihiisa mudo kordhin iyo aqiijinta doorasho kaligii ku guulaysan karo” ayaa lagu yiri warka markale.

Waxaa sidoo kale shirka lagu taageeray ciidamada qaranka iyo kuwa dowlad-goboleedyada ee dagaalka kula jira waxa loogu yeero argagixisada, gaar ahaan kuwa Hirshabelle ka dagaalamaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed