Siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo ay kaga hadlayaan xaaladaha siyaasadeed, amniga, iyo tan bulsho ee gobolka.
Qoraalka ay soo saareen ayaa si gaar ah diiradda u saaray baahida loo qabo in la isugu yimaado shir ballaaran oo heer gobol ah, kaasi oo lagaga tashanayo xaaladda taagan, loogana doodayo sidii loo heli lahaa xal waara iyo midnimo siyaasadeed oo horseeda horumar iyo xasillooni.
Waxay tilaameen in gobolka Mudug uu wajahayo caqabado badan oo isugu jira is-aaminaad xumo siyaasadeed, amni darro soo noqnoqota, kala qaybsanaan bulsho, dhaqaale xumo iyo adeegyada bulshada oo liita.
Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ayaa ku booriyey dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, haweenka, iyo madaxda dowladda in ay ka qeyb galaan shirka, kaasi oo ay sheegeen inuu noqon doono “mid daahfuran oo dhexdhexaad ah, laguna salayn doono danaha guud ee gobolka.”
Waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Puntland in ay si dhab ah uga qeyb qaataan xal u helista arrimaha gobolka, iyaga oo tilmaamay in Mudug ay u baahan tahay aragti fog, wadajir, iyo hoggaan mideysan.
Shirkan ayaa la filayaa in lagu qabto gudaha magaalada Galkacyo, todobaadyada soo socda, iyadoo faahfaahinta rasmiga ah ee qabsoomidiisa la shaacin doono marka la dhammeeyo diyaar garowgiisa.
HBN ONLINE TV