Sirdoonka Soomaaliya oo soo bandhigay shabakad Alshabaab Sahminta u qabilsaneyd

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in gacanta ay ku soo dhigtay Shabakad ka kooban labo xubnood oo sida ay hadalka u dhigtay Alshabaab u qaabilsanaa qeybta sahanka.

Sirdoonka oo sheegay in horay u hayeen xogta labadaan nin ayaa tilmaamay in raggaan markii la qabtay ay ku guda jireen sahminta goobo ay rabeen in ay Alshabaab sida warka loo yiri in ay “ku dhibaateyso shacabka” balse goobaha iyo halka lagu qabtay midna lama raacin.

Labada xubnood ee la qabtay ayaa kala ah Sakariye oo la tilmaamay in uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo kooxda u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin sida la yiri “in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir” iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda, kaas oo la carrabaabay in uu “qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa”.

NISA ayaa sheegtay in Xubnaha la qabtay ay qirteen fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dambiyo kale oo ka horreeyay, kuwaa ooo Alshabaab ay ku waxyeeleeyeen sida hadalka loo dhigay dad shacab ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed