Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa caawa baahisay xogta duqeymo lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood ka tirsanaa kooxda Alshabaab iyo Maleeshiyaad ilaalo u ahaa oo ka dhacday gobolka Hiiraan.
Howlgalka oo ahaa duqeyn ay NISA ka taageereen saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Xaawo Gadiid ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu dilay laba horjooge iyo shan xubnood oo ilaala u ahaa.
Sidoo kale, howlgalka qaabka uu u dhacay oo sirdoonku muuqaal kasiidaayeen ayaa lagu soo bandhigay qaabka uu u dhacay.
NISA ayaa sheegtay in la burburiy gaari ay kooxda ku soo rareen sida hadalka loo dhigay saanad ciidan iyo qaraxyo.
HBN ONLINE TV