Sirdoonka Soomaaliya oo maleeshiyaad Alshabaab ah ku dilay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegay in howlgal laga gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay ku dhawaad 25 ka tirsan kooxda Alshabaab.

Howlgalkan oo NISA ay ka fulisay shalay galinkii dambe deegaanka Baqdaad oo hoostaga degmada Afgooye ayaa la tilmaamay in lagu khaarajiyay 23 maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Sida oo kale howlgalka ayaa NISA sheegtay in lagu burburiyey fariisimo ay lahaayeen kooxda isku aruursatay deegaanka.

“Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii, Sirdoonka Qaranka, uu helay xogta Maleeshiyaadkan ka tirsan Khawaarijta oo waday abaabul lagu carqaladeynayo amniga. Waxaana sidoo kale, howlgalka lagu burburiyay taliskii Maleeshiyaadka” ayaa lagu yiri warka.

NISA ayaa ku wargalisay in shacabka inay ka fogaadaan goobaha Alshabaab ku sugan yihiin, taasi oo micnaheedu tahay in khasaare ka soo gaarin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed