Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyey qarax lala damacsanaa sida hadalka loo dhigay in lagu qalqal galiyo shacabka iyo amniga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sheeegay in gacanta ay ku dhigeen qarax nuuca miinada ah oo kooxda Alshabaab doonayeen sida hadalka loo dhigay in dadka shacabka ah ee ku nool magaalada baydhabo ay ku dhibaateeyaan.
Miinada ayaa laga helay Xaafad lagu magacaabo Jiiro-garoob oo ku taal magaalada Baydhabo, ka dib markii sida la sheegay ay ku soo wargaliyeen dadka deegaanka in goobta qarax la soo dhigay.
“Ciidanka oo kaashanaya shacabka magaalada baydhabo ayaa ku guuleystay in ay ka hor tagaan dhaqarta cadowga” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.
Dhamaadkii bishii hore, Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale sheegay in ay fashiliyeen miino iyo banbooyin la doonayey in lagu wax yeeleeyo dadka shacabka ah ku nool magaalada Baydhabo.
HBN ONLINE TV

