Sirdoonka Soomaaliya oo Howlgallo Qorsheysan ku Dilay Horjooge Sare iyo Xubno Al-Shabaab ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu dilay ilaa 11 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, laguna burburiyay sida hadalka loo dhigay gaadiid iyo saanad ciidan.

Howlgalka 1-aad oo dhacay 12-kii bishaan Agoosto ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay kooxda. NISA ayaa tilmaantay inay ku dishay 7 xubnood, iyadoo la burburiyay goobtii kulanka.

Maalin ka dib 13-ka Agoosto, deegaanka Daarul-nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ciidanka NISA ayaa carraababay inay fashiliyeen weerar ay maleeshiyaad Alshabaab ah ku qaadi rabeen ciidamada Macawisleyda. Weerarkaas ayaa lagu dilay 4 xubnood oo uu ku jiray horjooge Cabdullaahi Ganeey, oo tan iyo 2009 door weyn ku lahaa sida hadalka loo dhigay hoggaaminta dagaallada kooxda.

Howlgalka 3-aad oo 14-ka Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee Galgaduud, NISA ayaa sheegtay inay burburisay gaari Cabdi Bile ah oo lagu soo raray saanad ciidan oo loo waday maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan sida hadalka loo dhigay amniga degmada Ceeldheer. “Ciidamadu waxay ku guuleysteen in la gubo gaarigii iyo hubkii saarnaa, taasoo fashilisay qorshihii argagixisada” ayaa lagu yiri warka NISA.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgaladan qorshaysan ay qeyb ka yihiin dagaalka lagu la jiro kooxda Alshabaab, iyadoo diiradda la saarayo in la burburiyo awoodooda ciidan iyo isku xirka hoggaankooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed