Sirdoonka CXD oo digniin u diray ganacsatada u tagaya Alshabaab

Qaybta Sirdoonka ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka ganacsatada iyo shacabka isugu jira ee sida hadalka ay u dhigeen u safra deegaanada ay ku sugan yihiin Alshabaab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Warkan oo uu baahiyey Raadiyaha Afka Ciidamada ku hadla ayaa lagu sheegay in dhamaan looga digayo ganacsatada iyo shacabka aysan wax macaamil ah la samey karin Alshabaabka ku sugan deegaannada go’doonsan ee ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

“Taliska Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,Waxay Dhamaan uga Digayaa Ganacsatada iyo Shacabka U Safra Deeganada Go’doonsan ee Tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee ay Khawaarijtu Ku Sugan yihiin in aanay Wax Macamil ah ama la shaqayn ah la yeelan Maleeshiyadka khawaarijta Cidii lagu arko ama lagu helaana laga qaadi doono talaabo sharciga Waa Faqsan” ayaa lagu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa cadaadis dheeraad ah saartay dadka sida ay sheegtay looga yeero goobaha ay maamulaan Alshabaab oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed