Sirdoonada Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis ka hortagga khataraha Agagixisada

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa magaalada Muqdisho kula saxiixday dhiggiisa dalka Hay’adda Sirdoonka Tanzania ee TISS, Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay ku soo gaaray Muqdisho.

Intii ay socotay booqashadan masuuliyiinta ayaa bayaanka NISA lagu sheegay in labada dhinac ay si weyn uga wada hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada loogu yeero Argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Heshiiskan ayaa lagu macneeyey talaabo muhiim ah oo loo qaaday Xasiloonida iyo Amniga gobolka, iyada dhinacyadu is waydaarsan doonan xogaha sirdoon ee NISA iyo TISS.

Dowladda Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday Heshiisyo dhanka difaaca, Amniga, Caafimadka, Waxbarashada, isaga oo uu ku laamnaa kan sirdoon ee labda dal wada yeeshaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed