Sidee xaaladda magaalada Buur-hakaba oo shalay uu ka dhacay dagaal culus oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac

Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa magaalada Buur-Hakaba kadib markii shalay uu dagaal ku dhex maray labo beelood oo walaalo ah, kaasi oo sababay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca tiro kale.

Waxaa socda dadaalo nabadeed oo lagu doonayo in lagu xaliyo colaada u dhaxeysa labada beelood, taasoo sababtay in dad badan lagu laayo deegaanka.

Laamaha ammaanka ayaa heegan buuxa la geliyey deegaanadaasi, si ay uga jawaabaan colaadaha qabaa’ilka ah ee ka soo cusboonaaday deegaanadaasi, kuwaasoo sababay dhimashada ugu yaraan 2 qof iyo dad badan oo u baahan gurmad caafimaad.

Dagaal beeleedyadan ayaa ah kuwo taariikh ku leh gobolka, waxaana ka dhashay colaado soo noqnoqda, kuwaas oo uga sii daray xaaladdii markii horeba kacsanayd.

Dadka deegaanka ayaa rajo ka qaba in xal laga gaaro colaada u dhaxeysa kooxaha maleeshiyo beeleedka, iyadoo shalay kadib ay soo laabatay xasiloonidii.

Madaxdu waxay ku dhiiri galiyeen madaxda bulshada in ay ka wada hadlaan oo ay xal rasmi ah ka gaaraan colaadaha soo noqnoqday ee u dhaxeeya beelaha wada dega gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed