Sidee u dhacday doorashadii Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Jabuuti kaga adkaatay Kenya?

Musharaxa Kenya ee u tartamayay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Raila Odinga, ayaa looga adkaaday doorashadii ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Inkastoo Raila uu ku guuleystay labadii wareeg ee ugu horeysay ee codbixinta, wasiirkii hore ee Arimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku guuleystay wareegyadii xigay, isagoo ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha.

Wareegii koowaad, Raila ayaa helay 22 cod, halka Maxamuud uu helay 18 cod, halka Richard Randriamandrato oo u dhashay Madagascar uu helay 10 cod. Hal cod ayaa ka aamusay.

Wareegii labaad ayaa waxaa ku soo baxay Raila oo helay 20 cod, Maxamuud oo helay 18 cod, halka Randriamandrato uu isna helay 10 cod, hal wadan ayaa ka aamusay.
Wareegii saddexaad, tirinta codadka Raila waxa ay haysay 20, laakiin Maxamuud Cali ayaa kaga adkaaday 23 cod, halka taageerada Randriamandrato ay hoos u dhacday 5 cod, Halka 1 cod uu ka aamusay. Sidaas darteed, Randriamandrato ayaa laga saaray tartanka, taasoo keentay in Raila iyo Maxamuud ay si fool ka fool ah u tartamaan.

Maxamuud ayaa helay 25 cod, halka Raila uu helay 21 cod, Wareegii shanaad, Maxamuud ayaa helay 26 cod, halka Raila uu helay 21 cod, hal codna waa uu xumaaday.
Ka dib wareegii shanaad, Raila ayaa laga saaray tartanka, waxaana ku haray Mahamoud oo ahaa musharaxa kaliya ee haray.

Wareegii ugu dambeeyay, Maxamuud ayaa ku guuleystay, isagoo helay 33 cod, waxaana lagu wadaa inuu badalo Moussa Faki oo Chad ah, oo xilkan hayay muddo sideed sano ah.
Guddoomiye Maxamuud waa dublamaasi rug-cadaa ah, muddo dheerna ka soo shaqeeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti.

Guddiga Midowga Afrika waa xoghaynta Midowga Afrika (AU) wuxuuna maareeyaa howl maalmeedka 55-ka waddan ee Midowga Afrika, Xarunteeduna tahay Addis Ababa Itoobiya.
Guddoomiyaha waxa loo doortaa muddo afar sano ah oo la cusboonaysiin karo hal mar ama hal mari dib loo dooro karo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed