Hay’adaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qaabka uu u dhacay weerarkii hubeysnaa ee kooxda AlShabaab ay ku qaadday xabsiga Godka Jilicow ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Xog rasmi ah oo laga soo saaray baaritaanka hordhaca ah ee weerarka, kaas oo ka socday saacado badan gudaha xabsiga godka Jilicow ayaa muujyey in gaariga ay kooxda weerarka ku fulisay uu ahaa Toyota Hilux, isla markaana loo soo ekeysiiyey gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in gaarigaasi uu magaalada ka soo galay dhanka Ex-Kontorool Afgooye, kadib markii uu ka soo gudbay Saybiyaano daqiiqado kadib salaadda casir, iyadoo ay ku qaadatay inuu gaaro Godka Jilicow wax ka yar 2 sacaadood – halka labada goobna ay isu jiraan masaafad lagu qiyaasay 5 km.
Intii uu socday, gaariga ayaa la sheegay inuu maray inuu ka talaabay dhowr baro hubin oo ay joogeen ciidamada ammaanka, balse uu si xeeladaysan uga gudbay dhammaan goobahaas, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay suurtagal ku noqotay inuu gaaro bartilmaameedka.
Kaamirooyinka wadooyinka ee magaalada ayaa diiwaangeliyey in gaarigaasi uu ka gudbay goobtii ugu dambeysay 3:43 galabnimo, isagoo dhex maray wadooyin mashquul badan oo ay ka jireen ciriiri iyo saxmad gaadiid. Saacad iyo daqiiqado kaddib, 4:59 galabnimo, ayaa Kaamirada wax duubta xaqiijiyey inuu ka talaabay birta hore ee Godka Jilicow, halkaas oo uu ku qarxay. Arintan waxaa lagu sheegay in uu ka gudbi waayey birta labaad.
Sidoo kale, xubnaha kooxda ee weerarka ku qaaday xabsiga godka Jilicow oo ah xarun NISA ka qaabayso howlgallada ayaa lagu doonayey in laga soo daayo sida la tilmaamay xubno Alshabaab ah oo lagu hayo halkaasi, balse waxaa la sheegay in aanay jirin wax baxsaday 68 tuhunsane oo xabsiga ku jiray. Dhamaan xubnihii weerarka soo qaaday ayaa la toogtay.
Weerarkan ayaa ka mid ahaa falalka ugu culus ee kooxda Alshabaab ay muddooyinkan dambe ka fuliso gudaha caasimadda, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo sida gaarigaasi uga gudbay baraha amniga iyo cidda gacan ka geysatay fududeynta weerarka.
Sida wararka aan helayno tilmaamayaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka Godka Jilacow, iyadoo dhaawacyada la geeyay xarruumaha Caafimaadka ee Muqdisho.
Sida caadiga ah, magaalada Muqdisho gaadiidka dowladda – gaar ahaan kuwa ciidamada – ayaa si fudud uga talaaba baraha hubinta, iyagoo aan marayn habraaca baarista gaadiidka shacabka. Arrintan, sida ay sheegayaan ilo amni, ayaa sahashay in kooxda weerarka fulisay ay ka faa’iideysato fursaddaas, iyadoo adeegsatay gaari u ekaa mid dowladeed.
HBN ONLINE TV