Waxaa galabnimadii Jimcaha ka dhacay deegaanka Dudumaay ee duleedka degmada Wanlaweyn dhacdo naxdin iyo argagax leh, kaddib markii la jir-dilay lana gubay nin lagu magacaabayay Isxaaq Daa’uud Maxamed. Muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinaya tiro dad ah oo ku garaacaya marxuumka ulo iyo dhagxaan, kahor inta aan la gubin isaga oo nool.
Ehellada marxuumka ayaa sheegay in Isxaaq uu muddo dheer qabay xanuun dhimir, isla markaana uusan jirin wax dambi ah oo uu galay. Waxay dhacdadan ku tilmaameen ficil bani’aadannimo ka fog oo salka ku haya aano qabiil.
Garyaqaan Abuukar Maxamed, oo ehel la ah marxuumka, ayaa sheegay in Isxaaq uu kasoo lumay xaafad ku dhow xerada Ballidoogle, islamarkaana la waayey muddo kahor inta aan la dilin. Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay raadinta ku jireen, balse ay warbaahinta ka arkeen muuqaalka dilka.
Abuukar wuxuu sheegay in ninkan la gubay xilli uu weli noolaa, isagoo falka ku tilmaamay “wuxuushnimo aan Islaamnimo iyo bini’aadannimo midna lahayn.”
Waxaa jiray warar sheegayay in dilkaas kaddib ay qoyska marxuumka gubeen guryo kale oo ay dad ku dhinteen, hase yeeshee ehellada marxuumka ayaa si cad u beeniyay arrintaas, iyagoo sheegay in warkaas uu yahay marin-habaabin lagu doonayo in lagu qariyo xaqiiqda kiiska.
Dhanka kale, Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in marxuumka loo dilay sababo la xiriira aano qabiil, kaddib markii lagu arkay isagoo dhex socda deegaan uu colaad ka dhaxaysay qabiilkiisa iyo mid kale.
Guddoomiyaha ayaa xusay in colaad qabiil ay muddo sanado ah ka jirtay halkaas, balse uu falkaan ku tilmaamay “mid aad uga duwan dilalka hore oo si gaar ah u naxdin leh”. Wuxuu sheegay in laamaha amniga lagu amray in ay soo qabtaan dadka muuqaalka ku jira, isagoo intaas ku daray in qaar la qabtay halka qaar kalena lagu daba jiro.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyaduna si adag u cambaareysay dilka, war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta maamulkaasna lagu sheegay in dowladdu aysan marnaba aqbaleynin falal noocan oo kale ah oo lagu carqaladeynayo nabadda iyo xasiloonida bulshada.
Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in kooxaha falkaas geystay ay yihiin “cadowga nabadda iyo horumarka bulshada”, wuxuuna sheegay in baaritaan dhab ah lagu samayn doono si cadaaladda loo horkeeno cid kasta oo arrintaas ku lug leh.
Sidoo kale, maamulka ayaa tacsi u diray qoyskii marxuumka, isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha doonaya in ay dhibaato iyo cabsi ku dhex fidiyaan bulshada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag uga hadashay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ku tilmaamtay dhacdooyinka foosha xun ee lagula kacay dad rayid ah.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ayaa lagu baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dilalka iyo colaadaha sokeeye, hay’adaha amnigana loogu amray in si degdeg ah loola xisaabtamo kuwa ku lugta leh falalka kicinta bulshada iyo iska hor keenidda shacabka.
Dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ayaa weli ah caqabad weyn oo ku soo noqnoqota deegaannada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo maamulka Wanlaweyn uu sheegay in colaadihii qabiilka ee horey u jiray ay markale soo cusboonaadeen.
HBN ONLINE TV

