Sidee u dhacay dilka dad qoys ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud?

Wararka ka imaanaya deegaanka Marcaanyo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil dabley hubeysan ay u geysteen Hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kaasi oo salka ku hayo aano qabiil.

Deegaanka Marcaanyo, oo hoos yimaada deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo kala ah: Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud, iyo Faa’iso Axmed Maxamuud.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in falkaasi uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe ka jiray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud. Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dableyda dilka geysatay ay weerarka fuliyeen xilli habeen ah, iyadoo sidoo kale qof kale oo la joogay qoyska uu dhaawac soo gaaray.

Dilka ka dib xiisad ayaa ka taagan deegaanka Marcaanyo, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi uu ka dhaco dagaal. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga ama maamulka Galmudug oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo tallaabooyinka la qaaday.

Dadka deegaanka iyo ehelada dadka la dilay ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid naxdin leh, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug inay wax ka qabtaan dagaallada salka ku haya aanooyinka qabaa’ilka ee soo noqnoqda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed