Dunida Muslimka, maanta oo ah 12-ka Rabiic Awal 1447 Hijri, ayaa si weyn loogu xusay dhalashada Nabi Muxammad (SCW), taas oo ah maalin qadarin iyo xushmad gaar ah leh. Xuskan waxaa ka qayb galay muslimiinta dunida oo dhan iyagoo muujinaya jacaylka iyo ixtiraamka Rasuulka (SCW).
Soomaaliya, oo ka mid ah meelaha si weyn looga xusay ayaa wuxuu ka qabsoomay magaalooyin badan oo Waqooyiga, Bartamaha, iyo Koonfurta dalka ah. Dadweynaha ka qayb galay maalinta qiimaha weyn ayaa muxaadarooyin iyo munaasabado lagu muujinayay waynaynta Nabiga (SCW) waxaa u qabtay culimaa’udiinka iyo mashaa’ikh.
Dadka xuska ka qayb galayey ayaa watey boorar iyo calaamado ku saabsan sifooyinka wanaagsan ee Rasuulka (SCW).
Meelo qaar waxaa laga jeediyey qudbado taariikheed, laguna soo bandhigay dardaarannada iyo hoggaamintii uu Nabiga (SCW) dunida Islaamka u reebay.
Magaalooyinka sida Muqdisho, Jigjiga, iyo kuwa kale maamuullada dalka ayaa waxaa ka qabsoomay munaasabado ay ka soo qayb galeen culimaa’udiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, halkaas oo siiradihii Rasuulka (SCW) looga sheekeeyey.
Dunida kale ee Muslimka, munaasabado waa weyn ayaa maanta ka dhacay. Tusaale ahaan, Yemen waxaa la xusay saacado badan, iyada oo lagu muujinayay jacaylka iyo ixtiraamka Nabi (SCW) iyadoo la qabanayay xaflado, duruus taariikheed, iyo howlo wacyigelin ah.
Xuska dhalashada Nabi Muxammad (SCW) wuxuu muujinayaa midnimo iyo xushmad ballaaran oo ka dhex jirta ummadda Muslimka, iyadoo Soomaaliya iyo dalalka kale ee Muslimka ay si firfircoon uga qayb qaateen.
Taariikh Kooban oo ku Saabsan Nabi Muxammad (SCW):
Magaciisa oo dhamaystiran waa Muxammad ibnu Cabdullaah ibnu Cabdi-mudalib ibnu Haashim, oo dhashay 12-kii Rabiic Awal, sanadkii 570 Miilaadiga, wuxuuna ku dhashay magaalada Makka, isagoo ka soo jeeda qoys sharaf iyo sumcad ku lahaa Islaamka.
Nabiga wuxuu Alle u waxyooday isagoo 40 jir ahaa, sanadkii 610 Miilaadiga, waxaana uu muddo ku baahiyey tawxiidka (iimaanka Alle), caddaaladda, naxariista, iyo dardaaran ku saabsan akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka.
Nabi Muxammad (SCW) waxaa lagu xasuustaa naxariis, caddaalad, iyo hogaamin wanaag, isagoo saameyn weyn ku yeeshay dunida Islaamka iyo bulshada guud ahaan. Wuxuu geeriyooday isagoo 63-jir ah.
HBN ONLINE TV