Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markiisii 6-aad si rasmi ah loogu caleema-saaray xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, kadib doorasho uu si weyn ugu guuleystay oo uu kaga adkaaday xisbiga kaliya ee la tartamayey, kaas oo helay codad aad u kooban.
Munaasabadda caleema-saarka ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 30 wafdi oo caalami ah, kuwaas oo ka kala socday Afrika, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Yurub.
Hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Suudaanta Koonfureed Salva Kiir, Gabon Brice Clotaire Oligui Nguema, Ra’iisul Wasaarayaasha Itoobiya Abiy Axmed, iyo Masar Mostafa Madbouly.
Sidoo kale, mas’uuliyiin caalami ah oo ay ka mid yihiin wakiillo ka socday Midowga Afrika iyo dalalka Shiinaha, Mareykanka iyo Faransiiska ayaa halkaas ka muujiyay taageeradooda iskaashiga gobolka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu madaxweyne Geelle u hambalyeeyay, isla markaana uu adkeeyay muhiimadda iskaashi siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Geeska Afrika.
Ismaaciil Cumar Geelle oo 78 jir ah ayaa doorashadiisii 10-ka bishii hore Abriil 2026 helay 97.81% codad, kadib markii uu si weyn ugu dabaaldegay guushiisa, isagoo sheegay in tartan adag uu la galay Musharraxa keliya ee la tartamayey Maxamed Faarax Samatar oo ka tirsan xisbiga CDU, kaasi oo isna helay 2.19% codad, kuna lahayn wax kursi ah baarlamaanka dalkasi.
Madaxweyne Geelle ayaa talada dalka hayay tan iyo 1999-kii, isagoo hoggaaminaya dal ay ku nool yihiin tiro hadda madaxa kala baxday 1 milyan oo qof.
HBN ONLINE TV

