Sidee looga hadlay maanta ansixinta habraaca wax ka beddelka dastuurka iyo falcelintii ka dhalatay

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka koobanaa labada gole, ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku ansixiyay go’aan ka dhan ah habraaca wax ka bedelka dastuurka dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay in 180 Xildhibaan ay u codeeyeen, halka 30 Xildhibaan ay diideem, waxan la meel mariyay habraaca dhameystirka Dastuurka Soomaaliya ee mudada dheer la sugayay.

Markii lagu dhawaaqay go’aankaas, ayaa waxaa ka dhalatay hadal heyn xooggan oo iskugu jirto siyaasiyiin iyo Xildhibaanno mucaraad ah oo diiday, isla markaana ku tilmaamay sharci darro, sidoo kale siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa iyagumna taageeray kuwaas oo sheegay in tallabadaan ay tahay mid muddo la sugayay, ayna tahay hormar la gaaray.
Siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka hadlay ee iskugu jiro muxaafid iyo mucaraad ayaa waxaa ay kala yihiin:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku qoray bartiisa Facebook “Waxa wax aad looga xumaado ah wixii ka dhacay maanta labada aqal ee baarlamaanka, iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerka dalka iyadoo aanan waxbo la xeerin”

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre “Waxaan cambaaraynayaa fowdada iyo xasaradda ay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanku maanta ka huriyeen kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda. Waxa maanta ka dhacay Baarlamaanka waa sharcidarro, fowdo, iyo baadil aan sinnaba loo aqbali doonin”.

Xil Maareeye”Waxaan ku faraxsanahay 23 sano oo dalkeennu ku soo jiray Dastuur KMG ah in maanta Baarlamaanka ansixiyay habraacii lagu bilaabayay”.

Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame “Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa damacsan in habkan uu u adeegsado ansixinta Dastuurka”.

Xil Cabdiraxmaan Odawaa” Habraan aad arkeysaan 3, 4 bil ee la soo dhaafay ayaa laga doodayay… Koox yar oo Xildhibaano ah oo aan Xeerka Xildhibaanada ilaalinin ayaa isku dayday in Baarlamaanka labannado, ”.

Si kastaba muddooyinkii la soo dhaafay waxaa si weyn looga soo horjeeday wax ka beddealka dastuurka KMG, waxana ka digayay siyaasiyiin mucaraad ah, halka dowladda soomaaliyana ay dooneysay in ay furto wax ka beddelka dastuurka taniyo sannadkii hore.

Bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku jiraan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay isku raaceen in la qabto doorasho toos ah iyo in la mideeyo jadwalka doorashada sanadkan. Waxa ay sidoo kale taageereen nidaamka madaxtooyada Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed