sidee looga falcelshay Dhismaha Maamulka Cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya?

Kadib markii xalay si rasmi ah loogu shaaciyay dhismaha dowlad-goboleed cusub oo loo bixiyay Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaas oo ka kooban gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn ayaa durba dhaliyay falcelinno ballaaran oo isugu jira taageero iyo dhaliilo, kuwaas oo ka kala yimid maamuullo, siyaasiyiin, mas’uuliyiin heer gobol iyo heer federaal, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dhinacyada taageeray dhismaha maamulka waxaa ugu horeeya Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ku tilmaamay maamulka cusub “mid dhidibda u taagaya midnimada dalka, isla markaana dhimaya rajadii gooni-isu-taagga.” waxaana fariintiisaasi u muuqataa mid siyaasadeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi oo horey u ahaa musharrax madaxweyne ee Puntland ayaa isna si weyn u bogaadiyay. Waxa uu sidoo kale farriin uu ku daabacay boggiisa Facebook ku sheegay in dadweynaha Puntland intooda badan ay taageersan yihiin maamulka cusub, taasoo ay ku dheehantahay dareen qaranimo iyo u hiilinta walaalnimo Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay in shacabka reer Puntland ay guushan si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen, isagoo tilmaamay in “maamulka cusub uu noqon doono garab iyo gaashaan” u dhexeeya shacabka walaalaha ah.

Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya waxaa uu yeeshay dastuur u gaar ah, Magaalada Laascaanood ayaa loo doortay caasimadda rasmiga ah, halka Laasqoray ay noqonayso caasimadda labaad. Waxaa calanka cusub ka kooban yahay astaamo laga soo qaatay dhaq-dhaqaaqyada SSC-Khaatumo iyo Maakhir.

Hoggaanka maamulka ayaa noqon doona madaxweyne wareegto oo uu xilka u kala wareego hoggaamiyeyaasha SSC-Khaatumo iyo Maakhir, midkiiba muddo shan sano ah, waxaana la dhisi doonaa baarlamaan ka kooban 86 xildhibaan.

Inkasta oo taageero badan uu helay maamulka cusub, haddana waxaa jiray Mucaaradad ka timid odayaal dhaqameed ka tirsan gobolka Sanaag oo uu horkacayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, kuwaas oo dhaliilay habka loo maray dhismaha maamulka.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah isimada SSC-Khaatumo, ayaa isna dhaliilay “la’aanta wadatashi ballaaran” oo horey loo sameeyay, taasoo uu ku tilmaamay mid carqalad gelin karta kalsoonida shacabka.

Geesta kale, Maamulka Puntland ayaa si cad u diiday hanaanka dhismaha maamulka, isagoo muujiyay in aan la helin wadatashi ku filan. Puntland ilo ka agdhow ayaa sheegay qorshe socda oo lagu doonayo maamulku isku balaariyo gobolka Sanaag, halkaasi oo bishaan horaanteedii ka dheceen isku dhacyo dhimasho sababay.

Inkasta oo ay jiraan aragtiyo kala duwan, haddana shacabka deegaanka ayaa si muuqata u muujiyay taageerada ay u hayaan maamulka cusub, iyagoo ka rajo qaba in uu horseedo xasillooni siyaasadeed, helidda adeegyo dowladeed & matalaad sax ah oo dhameystiran.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ballan qaaday inay si buuxda u garab istaagi doonto maamulka cusub, gaar ahaan dhinacyada nabadeynta, maamul-dhiska iyo horumarka bulshada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed