Sidee looga falceliyey Xusta maalinta xorriyadda Soomaaliya?

Iyadoo maanta guud ahaan dalka Soomaaliya looga dabaal-degayay sanad-guuradii 65-aad ee Xorriyadda iyo Midnimada, ayaa waxaa si weyn uga falceliyay dalal saaxiib la ah Soomaaliya iyo ururo gobolka ah oo muujiyay taageero iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda qaran ee dalka.

Dowladaha Mareykanka, Turkiga, Qatar, Shiinaha, UK, Talyaaniga iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha leh, iyagoo ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay hambalyo u direyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada koboca dhaqaalaha iyo la dagaallanka waxa loogu yeero xagjirnimada. Mareykanku wuxuu ammaanay dadaalka shacabka Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo nabadeynta.

Dowladda Turkiga ayaa iyaduna war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay hambalyo iyo garab istaag buuxa. Turkiga oo ah saaxiib dhow oo istiraatiiji ah, ayaa xusay sida ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya. Waxay tilmaameen in ay sii wadi doonaan mashaariicda horumarineed, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo barnaamijyada waxbarasho ee ay ka wadaan gudaha dalka.

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha iyo shcabka Soomaaliyeed munaasabadda sanad-guurada maalinta xorriyadda dalka, sida lagu sheegay bayaan kooban oo lagu daabacay bogga wakaalladda Dowladdu leedahay ee loo soo gaabiyo QNA.

Maalinta Xorriyadda Soomaaliya, safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay shacabka, waxayna ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taageerada Soomaaliya si loo xoojiyo xasiloonida iyo horumarka dhaqaalaha iyo bulshada.

Sidoo kale, Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa sheegtay dhankeeda in Boqorka dalkaasi Charles uu madaxweynaha iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayo munaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Qaranka, isagoo carrababay dhuftay inay sii xoojin doonaan xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Dhanka kale, Urur gobolkeeda Midowga Afrika ee IGAD tahniyad diiran u soo diray Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad-dhisidda, horumarka iyo xoojinta hay’adaha dowladeed, sid uu ku qoray boggiisa X xoghaya ururka Workneh Gebeyehu. Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday in IGAD ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka diblomaasiyadda, nabadeynta iyo iskaashiga horumarineed.

Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sidoo kale hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Qoraal kasoo baxay xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in maalintani tahay fursad lagu xusuusto dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha dowladnimo, nabad waarta, iyo horumar dhaqaale. AUSSOM waxay caddeysay in ay sii adkeyn doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Munaasabadda xuska maalinta xorriyadda ayaa si gaar ah looga xusay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu qabtay dabaal-deg ciidan oo heer sare ah. Munaasabaddan ayaa ahayd astaan muujinaysa adkeysiga shacabka Soomaaliyeed, sharafta qaranka, iyo dadaalka joogtada ah ee lagu dhisayo mustaqbal ammaan iyo barwaaqo leh.

Sanad-guurada 65-aad ee xorriyadda Soomaaliya ayaa xasuusin u ahayd halgankii dheer ee lagu helay gobannimada dalka iyo naf-hurnimadii dadka Soomaaliyeed ee u soo halgamay xornimada. Munaasabaddan qaran ayaa ah mid mideyneysa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed