Sidee looga falceliyey banaanbixii baaqday ee Mucaaradka?

Dib u dhaca ku yimid bannaanbixii mucaaradka ee maanta lagu balansanaa Muqdisho ayaa sababay falcelin xooggan. Bannaanbaxa ayaa lagu baajiyay kadib dadaallo ay sameeyeen waxgarad iyo guddi xildhibaanno, iyadoo mucaaradku ogolaadeen in dibadbaxu dhaco 9 maalmood gudahood.

Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay dib u dhaca ku yimid bannaanbixii mucaaradka ee lagu waday inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Dadka ka falceliyay arrintan ayaa muujiyay aragtiyo kala duwan oo isugu jira dhaliil iyo taageero.

Qaar ka mid ah dadka ka aragti dhiibtay ayaa ku eedeeyay mucaaradka inaysan diyaar u ahayn bannaanbax nabadeed, isla markaana ay qorsheynayaan sida hadalka u dhigeen qalalaase iyo fowdo.

Dhanka kale, taageerayaal badan ayaa u arkay bannaanbaxu inuu yahay xuquuq dastuuri ah, iyagoo garab istaag u muujiyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo xubnaha mucaaradka.

Waxaa sidoo kale jiray digniino laga bixiyay in dhalinyarada lagu haligo ama loo adeegsado siyaasadda, halka codad kale ay ku baaqeen in bannaanbaxyada mustaqbalka noqdaan kuwo nabadeed oo aan khatar gelin shacabka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in dib u dhaca bannaanbixii mucaaradka uu muujinayo laba arrimood: mucaaradka oo aan weli diyaarin hannaan bannaanbax nabadeed lagu kalsoonaan karo, iyo xaaladda oo noqotay tijaabo siyaasadeed oo u baahan masuuliyad dheeraad ah dhinacyada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed