Soomaaliya waxaa ka billowday dabbaaldegga sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada qaadatay.
Dabaaldagyada ayaa ku billowday munaasabad xalay saqdii dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho oo loo qabtay hannaanka soo jiidasho leh, waxaana ka soo qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, shacabka magaalada.
Xafladda dabbaaldegga ah ee habeenimadii xalay ayaa ahayd mid aad iyo aad u qurux badan, taas oo astaan u ahayd hanka iyo midnimada qaranka. Madaxweyne Xasan, Ra’iisal Wasaare Barre, iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Jaamac, ayaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kala qeyb galay xuska 26-ka June kuwaas oo jeediyay khubado ka turjimaya waddaniyada.
Madaxweyne Maxamuud ayaa khudbadiisa ku sheegay muhiimada ay leedahay sanad guurada, isagoo dib u milicsaday horumarka ay qaranku ku tallaabsatay iyo caqabadaha uu ka soo gudbay. Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay midnimada iyo in la sii wado dadaalka loogu jiro nabadda iyo horumarka.
Dabaaldagyada Muqdisho ka dhacay ayaa isugu jiray bandhig dhaqameed, khudbado, iyo bandhigyo ka tarjumayay hidaha qaranka, taasoo kor u qaadeysa dareenka bulshada iyo waddaniyadda ka soo qaybgalayaasha. Dabaaldegyadan oo socon doona muddo todobaad ah ayaa waxa ay sii socon doonaan iyadoo la qorsheynayo in dalka oo dhan laga sameeyo munaasabado kala duwan, kuwaas oo lagu maamuusayo taariikhda Soomaaliya, laguna weyneynayo mustaqbalka.
HBN NEWS DESK