Yaraanta shidaalka iyo kororka qiimaha baatroolka ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si weyn u saameeyay darawallada mootooyinka Bajaajta, kuwaas oo ku qasbanaaday inay joojiyaan qaarkood shaqadooda. Arrintan ayaa si toos ah u taabatay kumannaan qoys oo ku tiirsanaa dakhliga maalinlaha ah ee gaadiidkan.
Darawal lagu magacaabo Axmed Abuukar Axmed ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u adag tahay, maadaama qiimaha halka liitar oo shidaal ah uu ka kacay $0.65 senti ilaa $1.40 oo dollar, halka kharashaadka kale ee kirada iyo shidaalka ay ka dhigayaan shaqada mid aan faa’iido lahayn.
Axmed iyo darawallo kale ayaa hadda ku khasban inay shidaalka ku iibsadaan dhalooyin yar-yar, maadaama aysan awoodin inay buuxiyaan taangiyada gaadiidkooda. Intaa waxaa dheer, dadka isticmaali jiray Bajaajta ayaa yaraaday, sababta oo ah qiimaha raacista oo kordhay, taasoo keentay in dad badan ay lug ku maraan masaafado dheer. Tani waxay sii kordhisay shaqo la’aanta darawallada iyo culayska dhaqaale ee qoysaskooda.
Dhanka kale, dhibaatada shidaalka ma aha mid ku kooban Soomaaliya oo keliya, balse waxay saameysay dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ku dhawaaqay tallaabooyin lagu yareynayo isticmaalka tamarta, kadib markii sahayda shidaalka ay hoos u dhacday, halka galbeedka qaaradda dalalka ku yaalla ay bilowdeen qaybinta koronto sababo la xiriira yaraanta shidaalka. Dalalka sida Uganda ayaa sidoo kale sheegay in kaydkooda shidaalka uu sii yaraanayo, inkastoo ay raadinayaan ilo kale oo sahay ah.
Xiisadaha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa u dhaxeeya Maraykanka, Israa’iil oo dhinac ah iyo Iran, ayaa si weyn u carqaladeeyay maraakiibta qaada shidaalka ee mara marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.
Ganacsato badan ayaa ka digay in haddii xaaladdu sii socoto ay keeni karto tallaabooyin adag sida in shaqooyinka laga qabto guryaha, iyaga oo xusay in qoysas badan oo Afrikaan ah aysan awoodin inay la qabsadaan xaalado dhaqaale oo noocaas ah.
Dalalka kale sida Kenya iyo Koonfur Afrika ayaa iyaguna wajahaya caqabado la xiriira sahayda shidaalka, iyadoo Kenya ay la tacaaleyso yaraansho ka jirta qaar ka mid ah xarumaha shidaalka, halka Koonfur Afrika ay jirto baahi korartay oo keentay yaraansho meelaha qaarkood. Inkastoo masuuliyiintu ay sheegayaan in culeysku guud ahaan jiro, haddana xaaladda guud waxay muujineysaa cadaadis sii kordhaya oo ka jira suuqyada tamarta ee Afrika.
HBN ONLINE TV

