Sidee ayay Iraan u dhex martay nidaamka difaaca cirka ee Israa’il ee Iron Dome.

Warbixin uu daabacay wargeyska The Independent ee ka soo baxa magaalada London ayaa sheegtay in weerarrada gantaallaha Iiraan ay ku guuleysteen inay dhex galaan nidaamyada difaaca cirka ee Israa’iil, taasoo sabab u ahayd xoogo weerarka iyo horumarka tiknoolajiyadda la adeegsaday.

Warbixinta oo uu qoray weriyaha wargeyska, Alex Croft, ayaa xaqiijiyay in guusha weerarrada Iiraan ay timid iyadoo oo Israa’iil ay sanadihii la soo dhaafay horumarisay difaacyo badan oo looga hortago gantaallaha Xamaas iyo Xisbullaah ee Lubnaan.
Nidaamka Iron Dome ee Israa’iil wuxuu la shaqeeyaa nidaamyo kale sida David’s Slingshot, Arrow-3, iyo nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD, balse uma uusan suurtagelin inuu ka hortago dhammaan gantaallaha Iiraan.

Marion Mesmer, khabiir amni oo ka tirsan xarunta daraasaadka Chatham House, ayaa sheegtay in nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil uu yahay “wax ku ool, balse uusan ahayn mid aan la jebin karin, Iron Dome-na uu leeyahay sumcad saxaafadeed oo ka sarreysa waxtarkiisa dhabta ah.”

Mesmer waxay intaas ku dartay: “Gantaalladii hore ee Iron Dome soo riday badankood waxay ku yimaadeen tiro yar oo la filayay, waxayna ka imaanayeen meelaha la yaqaan sida Gaza ama koonfurta Lubnaan.”

Istiraatiijiyadda Iiraan
Sida laga soo xigtay warbixinta, istiraatiijiyadda Iiraan waxay ku salaysnayd in tiro aad u badan oo gantaallo ah hal mar la rido si loo wiiqo awoodda nidaamyada difaaca ee Israa’iil si ay u fulaan dhammaan weerarrada.

Professor Marina Meron oo ka tirsan King’s College London ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee guusha Iiraan ay ahayd “isticmaalka tiro badan oo gantaallo ah” taasoo daalisay nidaamyadii difaaca Israa’iil ayna u adkeysan waayay ka hortaga khatarta weerarada halka mar ah.

Arrin kale oo muhiim ah ayaa ah isticmaalka gantaallaha Iiraan ee xawaare sare leh (hypersonic missiles) kuwaas oo inta ay duulayaan beddeli kara jihadooda, taasoo ka dhigaysa mid adag in la helo ama la rido.

Khabiiradu waxay sidoo kale soo jeediyeen in Iiraan ay adeegsatay diyaarado aan duuliye lahayn (drones) been abuur ah laba hab: mid ah in lagu aadiyo meel u dhow nidaamka difaaca si ay isugu dhacaan difaacyadu, iyo mid kale oo ah in loo diro bartilmaameedyo been ah si looga dhameeyo gantaalada nidaamka.

Meron waxay tilmaamtay in suurtagal tahay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ay adeegsadeen weerarro elektaroonig ah oo ay ku joojiyeen shaqada radaarada Israa’iil, taasoo ka hor istaagtay inay ogaadaan gantaallaha Iiraan.

 

Gabagabadii, warbixintu waxay xustay in “jebintii ugu weyneyd ee nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil ee sannado badan laga shaqaynayay ” aysan muujinayn cilad farsamo, balse ay ahayd qorshe weerar oo aad u heer sarreeya, kuna dhisan xoog weerar iyo xeelado kala duwan – taasoo muujinaysa in aysan jirin nidaam difaac oo si buuxda wax u difaaci kara.
XIGASHO: THE INDEPENDENT

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed