Waxaa saaka shaqo joojin sameeyey tiradii ugu badneyd ee ka shaqeynayay Garoonaka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay cabasho dhanka ah ka gudbiyeen shirkadda Favorti, lana xariirta in laga jaray xuquuqdoodii shaqo.
Shaqaaalahan cabashada keenay ee ka howlgalayey garoonka Aadan Cadde, ahna tiro ka badan 400 oo qof ayaa Banaanbax cabasho ah ka dhigay albaabka laga galo Garoonka — waxayna ku eedeeyeen shirkadda xaquuq la’aan, musuq & kala sooc dadka u shaqeeya.
Waxay dalbadeen in arintooda ay wax ka qabtaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyaga oo carrabaabay in lagula kacay wax baxsan sharciga dalka, kadibna ay tilmaameen in seddex laga kala dhigay shaqaalaha garoonka, sida qeybta Turkiga, Kenyanka iyo Soomaalida, ayna yihiin kuwa si aan habooneyn loola dhaqmo markasta.
Banaanbaxa shqaalaha ka ahaa garoonka Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay adeeggii garoonka. Shaqaalahan ayaa sheegay in cabashadan ay dhowr jeer oo hore soo noqnoqatay, balse aan wax xal ah laga gaarin.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Geelqaad, ayaa sheegay in guddigu digniin kama dambeys ah u dirayo Wasaaradda Gaadiidka, isla markaana amar ku siiyey in isla maanta xal laga gaaro cabashada shaqaalaha shirkadda Favori.
Ma jiro war ka soo baxay masuuliyiinta shirkadda oo ku aadan eedeymaha ka soo yeeray shaqaalaha garoonka, xiriirro aan la sameynay si aan wax uga weydiino arrintaasna waa ay noo suurtageli waayeen.
isha ku haay HBN Online TV

