Shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo mar Kale Is-faham La’aan ku soo dhamaaday

Kulan muhiim ah oo maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, una dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha Madasha Mucaaradka ayaa ku soo dhammaaday is-faham la’aan, iyadoo aan loo ballamin kulan cusub, sida ay soo tabiyeen masuul xilkas ah oo kulanka ag dhawaa.

Kulankan, oo ahaa kii 5-aad ee labada dhinac yeeshaan ayaa diiradda lagu saaray cutubka 4-aad ee dastuurka iyo qaabka doorashada, iyadoo mucaaradku si adag uga soo horjeesteen qorshaha dowladda ee ah in aan dib loogu noqon teendhada Afisyoone.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in mucaaradku ku dhaliileen Madaxweynaha hirgelinta isdiiwaangelintiisii doorashada qof iyo codka, taas oo ay u arkeen dhoolatus siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu waramay inuu ka diiday mucaaradka inuu ka noqdo wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka, gaar ahaan cutubka 4-aad, taasi oo keentay in wax natiijo ah ka soo baxaan kulankan sida aadka ah dadka Soomaaliya u eegaayeen.

Dhanka mucaaradka, waxaa la sheegay inay hadda ku jiraan kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, kadib markii uu fashil ku dhamaaday wada-hadalladii maanta. Inkasta oo aan si madaxbanaan loo ogaa karin go’aanka Mucaaradka, hadane waxaa la sugaa go’aankooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed