Shirkii madaxda DFS iyo Mucaaradka ku soo gabagaboobay natiijo la’aan

Shirkii maanta ay Villa Villa Soomaaliya ku yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii laga doodayay.

Dhinacyadii kulanka ka qayb galay ayaa sida la sheegay ku kala tagay shirka, mana jiro kulan kale oo dib loogu balamay. Lama oga in wada-hadalladu mar kale dib u bilaaban doonaan iyo in kale.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in qodobo muhiim ah la isku mari waayay, kuwaas oo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo.

Markii hore, waxaa si gaar ah isha loogu haayey in Wadahadalladu diiradda saaraan arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin siyaasadda guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista Dastuurka iyo qodobo kale oo la rumeysnaa inay dhalin karaan dood adag, maadaama Dowladda Federaalka iyo mucaaradku ay ka kala taagan yihiin aragtiyo kala fog.

Warar dheeraad ah ayaa laga sugayaa xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo la filayo inay goor dhow la hadlaan warbaahinta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed