Shirkadda diyaaradaha Kenya oo joojinaysa duulimaadyada Muqdisho

Shirkadda Diyaaradaha Kenyan Airways ayaa ku dhawaaqday in go’aanka hakinta duulimaadyadii Muqdisho ay ku tagi jirtay la qaatay, ka dib falanqeyn taxadir leh iyada oo la eegayo danaha shirkadda ee dhanka ganacsiga.

Masuuliyiinta shirkada ayaa tilmaamay in tilaabadan ay qaadeen ay ku timid xaaladaha suuqa oo uu ka jiro tartan adag kaasi oo uga yimid dhowr shirkadood oo Soomaali ah oo qiimo jaban ugu adeegaya macaamiisha.

“Caqabadaha dhanka shaqada ah awgood, Maamulka iyo Duulimaadka Kenya Airways waxay gaareen go’aanka joojinta duullimaadyada rakaabka ee Muqdisho wixii ka dambeeya 14-ka Oktoobar 2024” ayaa lagu warqad rasmi ah oo ka soo baxday Shirkadda.

Shirkadaha diyaaradaha Kenya ayaa ku dooday in dhigooda Soomaalidu ay bixiyaan lacag jaban, iyada oo aan wax ganmaax ah la kulmin haddii cillado yimaadaan isla markaana ay bixiyaan tigidho hal khad ah maadaama ay si joogto ah isaga kala gooshaan Soomaaliya iyo Kenya.

EgyptAir oo bishi July duulimaadkeeda ka bilowday Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay soo jiidaneyso macaamiil aad u badan waxaana suurtagal ah inay kordhiso duulimaadkeeda Muqdisho & Qaahira oo hadda ah laba mar toddobaadkii.

Marka laga soot ago Egypt Air & Kenya Airways waxaa Soomaaliya yimaada duulimaadyo kale oo caalami ah sida Turkish Airlines, Qatar Airlines, Ethiopian Airlines & waliba kuwa waxaana taasi ay keentay tartan xooggan taasi oo dadka Soomaaliyeed ay u arkaan inay tahay mid muhiim u ah danahooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed