Shirkadaha maraakiibta ee reer Galbeedka oo wali ka cabsi qaba inay maraan Badda Cas

Inkastoo la gaaray heshiis xabad joojin ah oo shaki ku jiro inuu sii socon karo haddana shirkadaha maraakiibta ayaa sheegaya in ay wali taagan tahay khatarta dhanka ammaanka ee Badda Cas, halkaasi oo Xuutiyiinta Yaman ka wadeen hawlgallo ay ku beegsanayeen maraakiibta Israa’iil, Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka.

Shirkadaha midoobay ee maraakiibta ee CMA CGM ee Faransiiska laga leeyahay kana mid ah shirkaddaha ugu waa wayn adduunka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto in maraakiibtooda ay ka fogaan doonaan inay maraan Badda Cas, inkastoo ay qiimeysay in xaalada gobolka ay u muuqato mid xasiloon kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas.

Shirkadaha maraakiibta ayaa wali ka digtoon in dib ugu noqdaan marista Badda Cas, halkaas oo kooxda Xuutiyiinta ay ku qaadeen in ka badan 100 weerar oo ka dhan ah maraakiibta tan iyo Nofeembar 2023, taasoo ku qasabtay inta badan shirkadaha maraakiibta inay maraakiibtooda u leexiyaan wadooyin baddeed oo kale.

“Sababo la xiriira xiisadaha iyo halista sii socota ee ku saabsan maraakiibta ganacsiga ee gobollada qaar, CMA CGM waxay sii wadi doontaa inay mudnaanta siiso wadooyin kale oo badbaado leh, sida marinka Cape of Good Hope,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Shirkada.

Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in ay dib u qiimeyn doonto xaaladaha amniga iyo hawlgallada caalamiga ah.

Xuutiyiinta Yaman ayaa ku sabab uga dhigay weerarradooda ka dhanka maraakiinta dagaal Israa’iil ay kado Gaza, isla markaana aysan joojin doonin illaa la joojiyo duqeynta, laakiin markii la gaaray heshiiska xabad joojinta ah Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay weerarkoodu uu ku kooban yahay maraakiibta Israa’iil oo kaliya isla markaana dhamaan maraakiinta dalalka kale ay mari karaan Badda Cas.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed