Shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho soo gaaray inta badan madaxda dowlad goboleedyada.
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa baaqday bishii April ee la soo dhaafay. Warkan oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay arrimo farsamo.Hase ahaatee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ma uusan bixin xog dheeri ah oo ku saabsan nooca saxda ah ee arrimaha farsamada.
Puntland ayaa mar kale door bidday in ay qaadacdo shirka golaha wadatashiga qaran ee uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland oo tilmaamay in Puntland aysan aqoonsanayn dowladda Soomaaliya ee hadda jirta oo sii xoojinaysa xiisadaha siyaasadeed ee ka jira dalka.
Shirka oo ajandayaal dhowr ah loo qorsheeyay ayaa waxaa ugu horeyn diirada lagu saarayaa amniga, dhameystirka dastuurka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al shabaab
Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa dhisay Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana lagu wadaa in ay iska xog wareystaan horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay taageeraan qorshaha cusub ee haatan ay waddo Villa Soomaaliya.