Shirka Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo maalintii labaad ka socdo Muqdisho

Shirka wadamada Bariga Afrika oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadashay madaxa ganacsiga iyo canshuuraha ee EAC Jacinta Kiruthi oo ka hadashay saameynta isbadalka cimilada ee Geeska Afrika iyo Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa ah in caqabadaha loo beddelo fursado, loona gogol xaaro sidii loo heli lahaa xiriir isku-dhafan, loo dhan yahay oo barwaaqo ah Bariga Afrika, isla markaana xubnaha EAC  ay hormariyaan hannaanka iskaashi ee dalalkaas.

.Shirweynaha oo sanadkan xoogga lagu saaray arrimo xoogga saaraya dhaqaalaha gobolka Bariga Afrika, ayaa ujeedkiisu ahaa in la sahamiyo hindiseyaal wadajir ah oo kobcin kara isbeddelka dijitaalka ee gobolka iyo koritaanka dhaqaalaha.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qaybgalaya wasiirro ka tirsan xukuumadda, Safiirro, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda caalamka.
HBN NEWS DEWSK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed