Shirka golaha watashiga qaran oo laga soo saaray war murtiyeed ah doorasho qof iyo cod ah

Waxaa caawa mar murtiyeed laga soo saaray shirka shirka golaha wadatashiga oo magaalada Muqdisho madaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah kuwa maamul goboleedyada ugu socday tan iyo 2-dii bishaan Octobar, waxaana qodobada ka soo baxay lagu sheegay in la qabanto doorashada dowladaha hoose, halka la isku raacay in muddo kordhin la sameeyo.

Golaha wadatashiga qaran ayaa sheegay in war murtiyeedka ka soo baxay in muddo min hal sano ah loo kordhiyey maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle, kuwaa oo ay saxiixeen seddexda madaxweyne ee shirka mutalayey.

Sida oo kale waxaa lagu sheegay in la isku raacay doorashada dowladaha hoose in ay dhacdo bisha Juun ee sanadka 2025, halka doorashada Baarlamaanka iyo madaxda dowlad goboleedyada ay dhici doonto Septembar ee isla sanadkaasi, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Xudeyfi.

Madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo aan qeyb ka aheyn shirkaan ayaa laga sugaa go’aanada iyo waxa ay yiraahdaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed