Shirka golaha wasiiradda Jubbaland oo lagu cambaareeyey bayaankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka

Maamulka Jubbaland ayaa si adag u cambaareysay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, iyagoo ku tilmaamay natiijooyinkiisa kuwo “aan sharciyad lahayn”.

Intii lagu guda jiray kal-fadhigii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa lagu muujijey mowqif adag oo ka dhan ah natiijooyinka shirkii golaha wadatashiga, taasoo muujinaysa xiisad siyaasadeed oo cusub.

Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo siyaasiyiin badan ay ku tilmaameen isku day ay Dowladda Federaalka ku doonayso in ay meesha kaga saarto maamulka Jubbaland, ayna dhisto maamul kale oo beddela.

Jubbaland ayaa horey u shaacisay inay wadashaqeynta kala laabatay Dowladda Federaalka, iyadoo ku eedeysay in dowladda dhexe ay u shaqeyso sida hadalka ay u dhigeen si u eg shirkad gaar ah oo ku kooban Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa isaguna dhankiisa sheegay in go’aan kasta oo kasoo baxa Dowladda Federaalka aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin jiritaanka Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed