Shirka Golaha Wasiirada oo lagu soo bandhigay ciidanka la geeyay magaalada Raaskambooni

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo la xiriira, amniga, qorshaha isbeddelka Qaranka iyo heerka ay mareyso canshuurta iibka oo tan iyo muddaddii la bilaabay sameeyey sare-ukac ballaaran.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta ciidanka Qaranka ee la geeyey deegaanka Raaskamboni ee Jubbaland, waxa uu ka dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyada oo tilmaamtay in ujeedka ciidanka loo geeyey uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga deegaannadii ay ka baxeen ciidanka ATMIS, si ay u xaqiijiyaan amniga goobahaas.

Sida oo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029.

Waxaa qorshahaan ayaa diyaarintiisu socotay muddo ku dhow sanad, waxaana hadda uu marayaa heer gabo-gebo ah, kaas oo dhaqan geli doona sanadka 2025 oo maalmo inaga xigaan, isaga oo beddeli doona qorshaha horumarinta Qaranka (NDP-9).

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed