Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socdo magaalada Muqdsiho, ayaa warbixino xasaasi ah lagaga dhagaystay Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo soo bandhigay faah faahin guud oo ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahay Al shabaab, qorshaha ku aaddan sii wadida dagaalka iyo gacan ku heynta deegaannada laga saaray kooxda.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga Koowaad ee howlgalka lagu xoreeyey deegaanno badan oo ay xoog ku heysteen ururka SHabaab, magaalooyinkaas iyo deegaannadaas oo ka tirsan dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Dhan kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa asna dhankiisa ka dhawaajiyay in Wasaaradiisu ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo sidii taageero xooggan ay usiin lahaayeen ciidamada Xoogga Soomaaliya ee ku sugan furimaha dagaalka iyo sidii loo xoojin lahaa.
Kulankan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Jubbaland , Koonfur-Galbeed , Galmudug , Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxan shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
HBN NEWS DESK