Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho iyo doodadaha miiska saaran

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoominaya shirka wadatashiga qaran ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa dhinacyada Amniga, Doorashooyinka, Dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka doodaya arrimaha ku saabsan doorashada maamul goboleedyada.

Doorashada ayaa noqon doonta labo qaab oo kala ah tan dowlad goboleedyada, iyadoo golaha wakiilada ay ku xigi doonaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, sida ay sheegayaan ilo ku dhow kulanka.

Nooca doorasho waa hal qof iyo cod sida ku cad heshiiskii ay gaareen golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka May 2023 oo maanta laga joogo hal sano, waxaana socda olole xoogan oo lagu saleynayo doorashadaas marka la gaaro wakhtigeeda.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka wadahadli doona qodobadan muhiimka ah, waxaana ugu dambeyntii la filayaa in la isla meel dhigo waqtiga ku habboon ee la qabanayo iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa sidoo kale ka wada hadli doona dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ciidamada qalabka sida ay ku guuleysteen in ay ka xoreeyaan deegaano badan oo muhiim ah.

Puntland, ayaa go’aansatay inay qaadacdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse qaadacaada ayaan dib u dhac ku keenin, mana joojin shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed