Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho, yeesheyna waji kale

Waxaa maanta dib magaalada Muqdisho ugu furmay markale Shirka wadatashiga qaran, kaasi oo madaxda dowaldda Federaalka ah iyo qaar ka mid ah kuwa maamul goboleedyada kaga qeyb galayaan Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa Gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud, iyada oo Goluhu wada hadli doonaan Xaaladaha guud ee ka jira dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka iyo dagaalka Alshabaab.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa maamulada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hadda iyagu shirku si gaar ah uga socdaa xarunta shirarka qaran.

Waxaa magaalada Muqdisho ka maqan madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo joogtay wajigii hore ee shirkan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ka maqan kulanka ayaa abuuraya tuhunka ah in uu jiro khilaaf kale oo shirka ka dhigi kara mid marxalad cusub abuura.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo shalay ka hadlay furitaanka golaha wakiilada ee maamulkaasi ayaa sheegay in Jubbaland uu ku taageeri doono in doorasho ay qabsato, isaga oo tilmaamay in madasha Qaranku aheyn sida uu hadalka u dhigay “meel danta Soomaaliyeed lagu hayo”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed