Shirka dhaqaale loogu yaboohayo AUSSOM oo ka socda Kampala

Dalalka Ciiamada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ayaa guda galay shir madaxeed aan caadi ahayn oo ka dhacaya magaalada Kampala ee dalka Uganda, si ay uga wada hadlaan sidii loo taageeri lahaa howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM , kaasi oo wajahaya xaalado dhaqaale.

Shirka oo ka socda madaxtooyada Entebbe ayaa la qorsheyey inuu socdo 22-ka ilaa 25-ka bishaan Abriil. Waxaa lagu lafa guri doonaa sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo joogto ah oo lagu sii wadi karo howlgalka AUSSOM, kaas oo bedelay ATMIS, ka dib markii uu dhammaaday sanadkii 2024.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya saraakiil sare oo ka socday dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, halka markoodii ugu horeysay ay tahay shirka Masar. Waxaa gaba-gabada shirka soo xaadiri doona madaxda dalalkaasi.

Ka-qeybgalka Masar waxa uu muujinayaa isbeddel cusub oo dhanka siyaasadda amniga ah, wallow Soomaaliya ay cadeysay in arinkaasi uusan waxa lug ah ku laheyn xaaladdo siyasadeed oo ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Shirka Kampala waxa uu hordhac u yahay Shir Madaxeed gaar ah oo ay yeelan doonaan madaxda AUSSOM, kaas oo la filayo in lagu dejiyo khariidadda siyaasadeed & dhaqaale ee mustaqbalka joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Kulankan waxaa xoogga lagu saarayaa dib-u-eegista howlgalka ka dib dhamaadkii ATMIS ee sanadkii hore, iyadoo la isweydiinayo su’aalo adag oo ku saabsan diyaar garowga dowladda Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amni.

Waxa kale oo shirkan lagu falanqeyn doonaa dhaqaalaha howlgalka, halka Midowga Yurub uu muujiyay walaac ku saabsan culayska dhaqaale, kuna baaqay in waddamo kale sida kuwa Khaliijka, Shiinaha, Maraykanka & quwadaha kale ee Afrikaan ah ay gacan ka geystaan maalgelinta.

Kulanka Kampala waxa uu calaamad u yahay wejiga cusub ee iskaashiga milatari ee Afrika ee Soomaaliya. Ku soo biirista Masar waxay muujinaysaa kororka danaha istaraatiijiyadeed ee gobolka, halka AUSSOM ay isku dayayso in ay xoojiso ka-qeybgalka dalalka Afrikada Bari iyo in la helo qaab waara oo lagu taageero xasilloonida Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed