Shirka Dhammaystirka Maamulka SSC-Khaatumo oo Si Rasmi Ah uga Furmay Magaalada Laascaanood

Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood shirka dhammaystirka Maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo si habsami leh u socda, loogana golleeyahay dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee dawlad-goboleedka cusub.

Shirka ayaa ah mid lagu aas-aasayo hannaanka sharciyeed ee Maamulka SSC-Khaatumo, isagoo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka Maamulka KMG ah ee SSC, salaadiinta iyo cuqaasha dhaqanka iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah iyo ururrada haweenka iyo dhalinyarada

Ujeeddada shirweynaha oo dib u dhacay 3-maalin ayaa ah dhammaystirka hay’adaha dastuuriga ah ee maamulka, dejinta jihada siyaasadeed iyo maamul ee SSC iyo sii adkeynta midnimada bulshada deegaanka iyo matalaadooda siyaasadeed.

Munaasabadda furitaanka waxaa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ka hadlay aragtiyada shirku daarran yahay, waxayna bulshada ugu baaqeen in la muujiyo isku duubni iyo niyad wanaag, si rajada laga qabo maamulka cusub ay u horseedo nabad, horumar iyo maamul hufan oo salka ku haya rabitaanka shacabka deegaanka.

Shirkan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeed oo lagu xoojinayo saldhigga maamulka cusub ee SSC-Khaatumo iyo doorkiisa mustaqbalka ee Federaalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed