Shir xasaasi ah oo u dhaxeeya dowladda Faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ka furmay Muqdisho

Hanti dhowrka guud ee dowladda federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale ayaa furay shir xasaasi ah oo socon doona muddo 3 maalmood ah, kaasi oo u dhaxeeya Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hanti-dhowrka guud ee ka socda FMS-yada ayaa goob joog u ah si ay u sahamiyaan fursadaha wada shaqaynta si kor loogu qaado hawlaha hanti dhawrka guud ahaan Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wakiilada wafdiga Midowga Yurub ee Soomaaliya. Waxay u adeegtaa sidii tallaabo aasaasi u ah wada-shaqeynta joogtada ah ee ka dhexeysa Hanti-dhowrka Federaalka iyo kuwa Maamul-goboleedyada Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed