Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud iyo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa wada-hadallo toos ah maanta waxay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Xasan Sheekh waxaa kulanka ku wehlin doona Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, halka Golaha Mustaqbalka ay matalayaan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntlanad Saciid Cabdullaahi Deni.
Wadahadalladan oo socon doona hal maalin ayaa sida la sheegay waxaa fudadeysay Beesha Caalamka, iyadoo la filayo inay goob joog ka noqon doonaan wakiillo ka socda Mareykanka, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Afrika.
Ujeeddada ugu weyn ee wada-hadallada ayaa ah in xal laga gaaro khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan muranka ka taagan nooca doorashooyinka dalka. Dowladda Federaalka waxay taageersan tahay doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay ku doodayaan in doorasho dadban inay tahay tan ugu macquulsan xilligan.
Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya kadib markii uu fashilmay kulan hore oo lagu waday inuu ka qabsoomo Villa Soomaaliya. Qodobada kale ee miiska la soo saari doono waxa ku jira wax ka beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.
Dowladda ayaa sheegtay in baarlamaanku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, halka Golaha Mustaqbalka ay ku doodayaan in wax ka beddelkaasi uusan ku imaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
HBN ONLINE TV

