Shir looga hadlayo la dagaalanka wararka been abuurka ah iyo hurinta colaadaha oo Muqdisho ay ka furtay dowladda Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys dowladda Soomaaliya ayaa furay madal muhiim ah oo socon doonta muddo labo maalmood ah, waxaana looga hadlay arrimaha xasaasiga ah ee ku saabsan war xumida iyo hurinta colaadaha iyo waxyeelada ay u geysanayaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Madashan oo ay ka soo qayb galeen daneeyayaal, khubaro iyo siyaasad dejiyeyaal, ayaa ujeedadeedu tahay in la dejiyo xeelado wax ku ool ah oo lagu xakameeyo falalkan xunxun, laguna xoojinayo ammaanka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay furitaankii shirka ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa caqabadaha ka imaanaya wararka been abuurka ah iyo kuwa ka turjumaya fowdada. Wuxuu tilmaamay doorka muhiimka ah ee teknolojiyadda casriga ah ay ku leeyihiin la dagaallanka arrimahan, isagoo ku boorriyay in si wanaagsan looga faa’ideysto ilaalinta, lagana hortago sida xun.

Maalintii ugu horeysay ee madasha ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday xeelado kala duwan oo lagula dagaalamayo wararka qaldan. Khubarada ayaa soo jeediyay aragtiyo ku saabsan tallaabooyinka sharciga ah ee la fulin karo si loola dagaallamo faafinta wararka been abuurka ah iyo hurinta colaadaha. Ka qaybgalayaashu waxay sahamiyeen doorka akhris-qoraalka dhijitaalka ah, saxafiyiinta mas’uulka ah, iyo isticmaalka tignoolajiyada si loo ogaado loogana hortago faafitaanka macluumaadka beenta ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed