Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta shir degdeg ah isugu yeeray Golaha Wasiirrada, si looga falceliyo xaaladda abaareed ee sii xoogaysaneysa ee ku faaftay qaybo ballaaran oo ka mid ah deegaannada Somaliland.
Fadhigaan degdeg ah ayaa la tilmaamay in u falanqeeyey si qoto dheer warbixinno iyo qiimeyn toos ah oo laga soo ururiyey gobollada sida daran u saameysay abaarta — gaar ahaan Selel, Awdal, Saaxil, iyo Sanaag — halkaas oo abaartu ay baabi’isay daaqii, yaraanta biyaha ay sababtayna khatar weyn ku noqotay nolosha dadka iyo xoolaha.
Madaxweynaha ayaa ku amray hay’adaha xukuumadda in si degdeg ah looga howlgalo, lana gaarsiiyo shacabka biyo nadiif ah, cunto iyo gargaar caafimaad, kuwaas oo si gaar ah ugu baahan gargaar degdeg ah. Dhammaan hay’adaha ayuu faray inay ku shaqeeyaan hannaan midaysan, si loo xaqiijiyo tallaabooyinka la qaadayo inay noqdaan kuwo degdeg ah, iswaafaqsan, lana xisaabtami karo.
“Golaha Wasiirradu waxa ay dood dheer ka yeesheen qaabka ugu habboon ee degaanadda ay abaaruhu ku habsadeen loogu gurman karo, biyo, cunto, iyo daawana loola gaadhi karo dadka iyo duunyada tabaalaysan.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada — culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, ururrada bulshada rayidka, iyo jaaliyadaha reer Somaliland ee dibadda — inay garab istaagaan walaalahooda ay abaartu saameysay. “Midnimadeenna iyo naxariisteennu waa furaha aan ku gudbi karno masiibadan,” ayuu ku daray.
Dhanka kale, shirkaan ayaa ku soo aadaya iyada 17-kii bishaan ay xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday gurmad degdeg ah oo lala gaaro dadka abaartu saameysay ee gobollada Awdal iyo Sanaag.
HBN ONLINE TV