Shil kale oo diyaaradeed oo dhimasho sababay oo ka dhacay Mareykanka

Lix qof ayaa ku geeriyooday diyaarad nooca ambalaaska ama gurmadka degdeg ah oo ku burburtay waqooyiga bari ee magaalada Philadelphia ee dalka Mareykanka fiidnimadii Jimcaha, sida uu sheegay hawl-wadeennada gurmadka deg deg ah.

Shirkadda iska lahayd diyaarada oo ah shirkadd laga leeyahay dalka Mexico ayaa sheegtay in diyaarada ambaalaska ah ay siday ilmo bukaan ah & qof la socday iyo sidoo kale afar qof oo ka mid ahaa shaqaalaha diyaaradda oo kala ahaa duuliyihii, duuliye ku-xigeenkii, dhakhtar, iyo kalkaaliye caafimaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Mexico ayaa xaqiijisay in dhammaan lixda qof ee saarnaa diyaaradda ay ahaayeen muwaadiniin reer Mexico ah.
Ilmaha bukaanka ah ayaa Mareykanka u tagay si looga daweeyo cudur halis gelinayay noloshiisa, waxaana markii ay diyaaradu dhacaysay ay ku laabanaysay dalka Mexico.

Shilkan ayaa noqonaya kii labaad ee diyaarad ee ka dhaca Mareykanka muddo 48 saac gudahood ah, iyadoo habeen hore 60 qof ay ku dhinteen ka dib markii ay isku dhaceen diyaarad rakaab ah & mid helicopter ah.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed