Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad ay leedahay shirkadda StarSky oo ka kacday garoonka Aadan Cadde ay la kulantay cilad farsamo wax yar kadib markii ay hawada gashay.
Diyaaradda shilka gashay ayaa la xaqiijiyey inay u socotay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Xogaha ayaa sheegaya in diyaaradda ay ku dhacday badda, kadib ciladda farsamo oo soo wajahday, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dadkii saarnaa sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomalaiya. Sawirro iyo muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya diyaaradda oo badda dul sabaynaysa, iyadoo rakaabkii ay ka badbaadeen.
Ka hor inta aanay shilka galin, Diyaaradda ayaa dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cadde, balse kadib markii ay soo caga-dhigatay, beyloodkii waday ayaa xakamayn waayay, taasoo keentay inay ka baxdo dhabihii garoonka kuna dhacdo dhinaca badda.
“Beyloodkii waday diyaaradda wuxuu kasoo dejiyey dhanka magaalada, kadib markii ay soo cagadhigatay waa xakamey waayey, waxaana ka dhamaaday dhabihii oo dhanka badda ayey ula gudubtay, wax khasaare ah majiraan,” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan.
Wuxuu xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah, isla markaana dhammaan rakaabkii la socday diyaaradda la badbaadiyay, halka hay’adaha ammaanka iyo gurmadkuna ay si degdeg ah u gaareen goobta shilku ka dhacay.
HBN ONLINE TV

