Shiinaha oo “marin-habaabin” ku tilmaamay war ka soo baxay xafiiska Taiwan ee Somaliland

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga falcelisay war ay ku tilmaantay marin-habaabin oo ka soo baxay xafiiska Taiwan ee Somaliland, iyadoo sheegtay in xafiiskaasi iyo dhaqdhaqaaqyadiisu ay ka hor imanayaan mabda’a Shiine-hal ah iyo sharciga caalamiga ah.

War saxaafadeedka Safaaradda ayaa waxay bogaadisay Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale xaqiijiyay ku-dhaqanka mabda’a Shiine-hal, waxayna Shiinuhu sheegeen inay sii wadi doonaan la shaqaynta Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida labada dal.

Bayaan ayaa lagu adkeeyay in dunida uu ka jiro Shiine-hal ah oo keliya, Taiwan-na ay tahay qayb ka mid ah Shiinaha oo aan waligeed dal noqon, isla markaana aanay xaq u lahayn xubinnimo Qaramada Midoobay ama ururro kale oo caalami ah.

“Dunida waxa ka jira Shiine-hal ah oo keliya, Taiwan waa qayb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha, waxaana Dawladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ay tahay dawladda kaliya ee sharci ahaan u metesha Shiinaha oo dhan. Taiwan waligeed dal ma ahayn—hore uma ahayn, mustaqbalkana marnaba ma noqon doonto—maaddaama uusan jirin wax saldhig, sabab, ama xaq ah oo ay ugu biiri karto Qaramada Midoobay ama urur kasta oo caalami ah oo xubinnimadiisu ku koobantahay dalal madaxbannaan” ayaa lagu yiri warka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Safaaradda ayaa sidoo kale ku eedeysay “ Taiwan” iyo maamulka talada haya ee DPP inay khatar ku yihiin nabadda gobolka, iyadoo Shiinuhu mar kale caddeeyeen go’aankooda adag ee difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, isla markaana ay si buuxda u taageerayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo war kasoo baxay xafiiska Taiwan ee magaalada Hargeysa uu soo saaray warbixin uu kaga jawaabayo hadalo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ay ku tilmaantay kuwo aan sal lahayn, cadaadis ku dhisan, isla markaana meel ka dhac ku ah mabaadi’da aasaasiga ah ee dimuqraadiyadda, madaxbannaanida, iyo rabitaanka shacabkooda & kan Somaliland.

Waxay sii raacisay in isku dayga Shiinaha ee lagu marin-habaabinaayo iskaashigan uu yahay mid khaldan oo aan la aqbali karin, waxayna si cad u tiri “Somaliland iyo Taiwan labaduba waxay matalaan sharciyad dimuqraadi ah iyo rabitaanka shacabkooda—qiyam aan lagu tirtiri karin hadallo kali-talisnimo ku dhisan”

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed