Shiinaha oo ka soo horjeestay kala goynta dhulka Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay si cad uga soo horjeeddo isku day kasta oo lagu kala goynayo dhulka Soomaaliya. Arrintan waxaa shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa go’aankan kaga dhawaaqay magaalada Beijing, kaddib markii Israel ay aqoonsatay Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian oo ay soo xiganayso wakaaladda Reuter ayaa sheegay in “aysan jirin dal xaq u leh inuu dhiirrigeliyo ama taageero xoogag gooni-u-goosad ah oo ka jira dal kale, si uu u gaaro danihiisa gaarka ah”.

Isagoo la hadlayay saxaafadda intii lagu guda jiray shir jaraa’id Lin Jian wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta Somaliland inay joojiyaan “dhaqdhaqaaqyada gooni-u-goosadka iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin quwadaha shisheeye.”

Kani waa go’aan kale oo ay xukuumadda Beijing ay ku celisay seddex maalin kadib markii safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ay si adag u dhaleeceysay aqoonisga Somaliland ka heshay Tel Avivi, iyada oo taageero u muujisay dowladda Soomalaiya.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed