Shiinaha oo ka hadlay go’aankii Soomaaliya ku baabi’isay heshiisyadii ay kula jirtay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta

Dowladda Shiinaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay ku baabi’isay heshiisyadii amni iyo iskaashi ee ay la lahayd Isutagga Imaaraadka Carabta, iyada oo ku tilmaamay tallaabo ka tarjumaysa xaqa Soomaaliya u leedahay inay si madaxbannaan u gaarto go’aamadeeda qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in Beijing ay si buuxda u ixtiraamayso madax-bannaanida iyo go’aannada dowladeed ee Soomaaliya, isla markaana ay taageersan yihiin dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo sharciyadda qaranka.

Shiinaha wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha dalalka kale.

Dhanka kale, dowladda Shiinaha ayaa mar kale caddeysay mowqifkeeda ah in dhammaan gobollada Soomaaliya ay yihiin qayb aan kala go’ lahayn oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Shiinaha ayaa muujiyay diyaar garowgiisa ah inuu sii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo iyo horumarineed ee kala dhexeeya Soomaaliya, si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed