Shiinaha ayaa geeyey ku dhawaad 100 maraakiib dagaalo oo ay ka mid yihiin kuwa diyaaradaha dagaalka xambaara biyaha woqooyiga iyo koonfurta Jasiirada Taiwan intii lagu jiray bisha May, sida uu xaqiijiyey maantadii hore mas’uul xagga amniga ah oo Taiwan u dhashay.
Mas’uulka, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyadan ay dheceen intii u dhaxaysay 1-da ilaa 27-ka May, isla markaana ay ku lug lahaayeen maraakiib dagaal oo ka socda Badda Jaallaha ilaa Badda Koonfureed ee Shiinaha, qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay dadaallada Shiinaha “cadaadis guud.”
Shiinaha waxa uu qaatey xeeladaha loo yaqaan dagaal iyo nabad, iyadoo si ballaaran loo geeyey ciidamada uu si geeyay silsiladda jasiiradaha ku wareegsan Taiwan, ayuu yiri mas’uulku, isagoo intaas ku daray in celceliska tirada maraakiibta Shiinaha ee aaggaas joogta ay tahay inta u u dhaxaynaysa 50 ilaa 70, iyo boqolaal duulimaadyo diyaarado ciidan ah oo si joogto ah uga dhacaya meelaha hawada ee ku dhow jasiiradda.
Qaar ka mid ah maraakiibtaas waxa ay ka gudbeen marin-biyoodka Miyako iyaga oo u baxay Badda Baasifiga ee galbeedkeeda ah si ay u sameeyaan dhoola tusyo dhaadheer oo badda iyo cirka ah, halka 30 markab oo aan la aqoonsan oo aan diiwaangashayn laga arkay agagaarka jasiiradaha Pingu ee Taiwan 19-kii May, kuwaas oo uu sheegay in si ula kac ah loo diray si ay “dhibaato u abuuraan.”
Sida lagu sheegay tirooyinka Wasaaradda Difaaca Taiwan, 75 diyaaradood oo Shiinaha laga leeyahay ayaa ka qayb galay 3 kormeer oo dagaal diyaar garow ah agagaarka jasiiradda bishii May, taas oo kor u qaadday heerka xiisadda milatari ee gobolka oo ay ka socdaan duullaanno hawada iyo badda ah oo maalinle ah.
Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Higgsyth, oo ka qayb galayey shir amni oo ka dhacay Singapore, ayaa waxa uu ka digay in Shiinuhu uu “diyaar u yahay” in uu isticmaalo awood ciidan si uu u beddelo is-dheellitirka awoodda gobolka Aasiya, isaga oo adkeeyey in dalkiisu uu garab taagnaan doono xulafadiisa gobolka Indo-Pacific.
Beijing ayaa si kulul uga jawaabtay hadallada xoghayaha, iyadoo uga digtay Washington in aysan “dab ku ciyaarin” dabkaasi oo uu ula jeedo arrinta Taiwan, taas oo Shiinuhu uu u arko qayb aan laga goyn karin oo dhulkiisa ka mid ah, isla markaana uusan meesha ka saarin isticmaalka xoogga si uu ugu daro dhulkiisa.
HBN ONLINE TV