Shiinaha ayaa go’aansaday inuu cunaqabateyn ku soo rogo 13 shirkadood oo Mareykan ah kuwaa oo ka shaqeeya hawlaha milatariga laga bilaabo 5-tii bsihan, tani ayaa jawaab u ah hubka Mareykanku uu ka iibinayo Taiwan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha.
Dhinaca kale Shiinaha ayaa aad uga carooday tilaabada uu Mareykanku ugu ogolaaday Madaxweynaha Jasiirada Taiwan oo cagdhigid ama transit ku maray dalka Mareyknka.
Shiinaha ayaa aad uga soo horjeestay qorshaha Mareykanku ansixiyay ee iibka hub iyo agab kale oo ciidan oo qiimahoodu uu ku kacayo $385 milyan oo doolar uu kaga iibiyay Tawain, waxaana ka mid ah qalabkaasi kuwa dayactirka ee diyaaradaha F-16 iyo raadaarada, arinkaasi oo xukuumadda Beijing ku sheegtay inay dhaawacayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Intaa waxaa dheer, Shiinaha ayaa xayiraya hantida lix maamulayaal sare oo ka tirsan shan shirkadood oo Mareykanka oo ay ku jiraan Raytheon, BAE Systems iyo United Technologies, waxaana laga mamnuucay inay soo galaan gudaha dalka Shiinaha.
Shirkadaha, Ururrada iyo shakhsiyaadka Shiineeska ah ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay la macaamilaan shirkadaha iyo xubnaha cunaqabateynta lagu soo rogay.
HBN Online TV