Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo caawa warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa eedeymo culus wuxuu u jeediyey dowladda Fedeaalka, kuwaa oo uu tilmaamay inay ku jiraan halis ah oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Shariif ayaa si adag u difaacay safar uu ku tagay Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay inuu dalkaas u tagay arrimo qoys, isla markaana uu muddo dheer halkaas deggenaa. Sheekh Shariif ayaa been abuur ku tilmaamay wararka la xiriirinaya safarkiisa, isagoo sheegay in joogitaankiisa Imaaraadka aysan sabab u noqon karin in dhiigga mucaaradka la banneysto sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu dowladda ku eedeeyay inay qorsheynayso dagaal ka dhan ah mucaaradka, isagoo arrintaas ku tilmaamay cabsi gelin iyo khatar weyn oo dalka dib u dhac u horseedi karta.
“Aniga inaan Imaaradka degganahay, waa wax la wada og yahay, arrimo qoys ayaa aan u tagay, weligeey baan deganaa, weligeeyn baan tagi jiray, ma noqon karto asbaab lagu bannaysa karo dhiigga dadka mucaaradka ah ee u taagan in dalkan dastuurkana la ixtiraamo, doorashane laga heshiiyo” ayuu yiri Shariif Sheekh.
Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu ku dooday in si aan habboonayn loo adeegsanayo ciidamada iyo xafiisyada garsoorka ee dowladda, isagoo ka digay in arrimahaasi ay saameyn ku yeeshaan hay’adaha dowladda.
“Dalka wuxuu ku soo koobmay hal gacan,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo dowladda ku dhalliilay inay hantida qaranka ku bixinayso sida uu hadalka u dhigay dhiig daadasho, halkii xoogga la saari lahaa mideynta shacabka.
Hadalkan wuxuu imaanayaa todobaadyo kadib markii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu 27-kii bishii hore ee September uu sheegay in jiro qorshe uu ku tilmaamay in abaabul ciidan iyo Maleeshiyaad ah oo uu ku eedeeyey inay mucaaradku wadaan. Wuxuu si gaar ah uga digay tallaabooyin uu sheegay inay wax u dhimi karaan amniga iyo xasilloonida dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo isku dayda inay amniga waxyeello u geysato.
Wasiirku wuxuu si adag uga digay mucaaradka inay abaabulaan maleeshiyaad, isagoo yiri “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanteeda soo taagta oo amniga dhibaateysa. Nimankan mucaaradka haddii ay abaabulaan maleeshiyaad, gacan bir ah ha lagu qabto”.
HBN ONLINE TV

